Qarax la sheegay in lagu Arkay Muqdisho + Ciidanka AMISOM oo…

News

Ciidanka AMISOM ayaa waxay si feejigan uraadinayaan Qarax la sheegay in dadka ay soo sheegeen kaasi oo aan weli qarxin cabsi xoogana ay ka qabaan hadii uu qarxo inay waxyeelo kasoo gaarto. Continue reading “Qarax la sheegay in lagu Arkay Muqdisho + Ciidanka AMISOM oo…”

Akhri =Mid ka mid ah Beelaha P/land oo soo saaray Qoraal lagu dhaleeceyay GAAS..

TOP-NEWS

Qoraal kasoo baxay mid kamid ah beelaha dega deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Puntland ayaa waxaa Madaxweynaha Maamulkaasi C/weli Gaas looga dalbaday inuu ku dhaqmo Cadaalada uu ka meer meeraayo.

Beeshaani Madaxweyne Gaas ku eedeeysay Cadaala darida ayaa ka cabaneysa in Gaas uu is moogeysiinaayo sida uu u baalmaraayo xuquuqda Beeshooda waxa uuna qoraalka u qornaa:

P-A

XOG:- C/kariin Guuleed oo Xil Culus u Magacaabay Wiil uu Adeer u yahay..

News

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Axmed Maxamuud Xasan Axmed Baasto u Magacaabay inuu noqdo Maareeyaha Dekedda Magaalada Hobyo oo dhawaan la filayo in dib u dayactir lagu sameeyo.

Axmed Baasto ayaa ah Shaqsi si weyn looga yaqaanno Degaanada Maamulka Galmudug,waxaana Adeer u ah C/kariin Xuseen Guuleed.

Axmed Baasto ayaa durbadiiba tagay Dekedda Magaalada Hobyo,waxaana uu halkaa ku soo galay Sawiro Muujinaya sida uu ugu Faraxsan yahay Xilka uu Adeerkii u Magacaabay.

Baasto ayaa Galmudug oo uu joogay mudo 6 Sano ah ka soo Cararay markii ay isqabteen C/qeybdiid ,waxaana uu Muqdisho Hotel ka dajiyay C/kariin Guuleed,kaas oo Dowladda Dhexe Xil uga waayay,balse markii C/kariin ay Dowladda ka dhigtay Madaxweynaha Galmudug waxaa uu helay Fursad weyn Baasto,iyadoo uu markasta raaco Guuleed,ugu danbeyna laga dhigay Maareeyaha dekedda Hobyo.

Top: Saraal Dowlada ka tirsan oo Shaaciyay Xog badan oo kaa Qarsoon (Aqriso)

TOP-NEWS

Wararka aan kaheleyno gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya ay dileen rag ka tirsan Alshabaab kuwaasi ookus ugnaa duleedka deegaanka Garisyaani.

Tirada xubnaha Alshabaab ee lagu dilay Hiiraan ayaa lagu sheegay iney garaayaan afar ruux, kadib markii ciidamada ay howlgal ka sameeyeen deegaanka Garasyaani ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in ragaasi la dilay ee Alshabaab ka tirsan ay doonayeen iney carqaladeeyaan dadka rayid ah, balse ay iska hor imaad kala hor imaadaan ciidamada dowlada.

Deegaanada ku yaala inta u dhaxeyso Buulo-burde iyo Beledweyne waxaa marar badan Alshabaab ay waddada ugu galeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo halkaasi ku socdaalaya.

Marka laga yimaado sheegada saraakiisha ciidamada dowlada ee dilka xubno Alshabaab ka tirsan ma jirto cid kale oo xaqiijin karta arintaani, mana jir war kasoo baxay dhanka Alshabaab

DAAWO SAWIRADA:- R/W CC iyo Uhuru Kenyatta oo xalay shiray iyo CCC oo loogu cadaadiyey inuu aqbalo in…

image1

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ayaa xalay kullan albaabada ay ku xiran yihiin ku yeeshay magaalada Nairobi. Continue reading “DAAWO SAWIRADA:- R/W CC iyo Uhuru Kenyatta oo xalay shiray iyo CCC oo loogu cadaadiyey inuu aqbalo in…”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo war kasoo saaray Dilkii Muqdisho loogu geystay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka

madaxweyne

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Axmed Gurxan oo ka mid ahaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Continue reading “Madaxweyne Xasan Sheekh oo war kasoo saaray Dilkii Muqdisho loogu geystay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka”

Hogaamiyaasha Shiinaha iyo Taiwan oo mudo 66-sano kadib kulmay isna gacan qaaday (Daawo Sawirada)

tai_1

Waxaa maanta markii ugu horeesay mudo ka badan 66-sano kadib si fool ka fool ah u kulmay Hogaamiyaasha Wadamada China iyo Taiwan, Kulankan ayaana noqonaya mid taariikhi ah oo muujinaya isku soo dhawaansho. Continue reading “Hogaamiyaasha Shiinaha iyo Taiwan oo mudo 66-sano kadib kulmay isna gacan qaaday (Daawo Sawirada)”

SIR CUSUB:- Khilaaf adag oo ka dhex curtay Xasan Sheikh iyo Cumar C/rashiid

xasan-iyo-cc

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Isku shaandheynta la filaayo in dhawaan Madaxweyne Xasan iyo R/wasaare Cumar C/rashiid ay ku sameyn doonaan Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Warar kala duwan ayaa waxa uu kasoo baxayaa qaabka ay u dhici doonto Isku shaandheynta waxaana jiro warar aan la xaqiijin oo tilmaamaya in Madaxweynaha dalka iyo R/wasaaraha ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka loo hirgalin lahaa Isku shaandheynta.

Kala aragti duwanaanshaha labada Masuul ayaa la sheegayaa inay tahay mid ka taagan laba qodob oo mida koowaad ay tahay in Madaxweyne Xasan uu doonaayo in qaar kamid ah Wasiiradii hore dib loogu soo celsho Xukuumada Cusub, halka R/wasaare Cumar uu isna kasoo horjeedo arintaasi islamarkaana ay aragtidiisu tahay in Xukuumada lagu soo biiriyo xubno cusub ama kuwa hada haya xilalkooda loo kala bedelo.

Kala aragti duwanaanshaha labada masuul ayaa sabab u ah qaar kamid masuuliyiin horay ay u diideen Xildhibaanada kuwaasi oo Madaxweynaha uu doonaayo inay kasoo dhexmuuqdan Xukuumada cusub.

Waxaan cadeyn sida labadaasi masuul ay isugu afgaran lahaayen Xubnaha baxaaya iyo kuwa imaan doona.

 

Daawo =Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Dhaxa Dhigay Dib u Dhis Lagu Sameynayo Safaaradii Hore oo ay Dowlada Soomaaliya Ku Lahayd Kenya”Sawirro”

IMG_5611-620x264

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke iyo Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta si wada jir ah u dhagax Dhigay dib Continue reading “Daawo =Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Dhaxa Dhigay Dib u Dhis Lagu Sameynayo Safaaradii Hore oo ay Dowlada Soomaaliya Ku Lahayd Kenya”Sawirro””

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Muhiimka Ah Ee Stoke City Vs Chelsea, Fabregas Oo Kursiga Kaydka La Dhigay, Hazard Iyo Matic Oo Shaxda Blues Ku Bilawday

sGT

Kooxda Chelsea oo uu tababaraheeda Jose Mourinho garoonka ka ganaaxan yahay ayaa kooxda Stoke City marti ugu ah garoonkeeda Britannia Stadium, waana kulan muhiimad gaar ah u leh kooxda martida ah ee Blues oo dhawaan isla garoonkan lagaga reebay tartanka Capital One Cupka. Continue reading “Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Muhiimka Ah Ee Stoke City Vs Chelsea, Fabregas Oo Kursiga Kaydka La Dhigay, Hazard Iyo Matic Oo Shaxda Blues Ku Bilawday”

DAAWO:FIFA Oo Soo Saartay Liiska Tobanka Ciyaartoy Ee Ku Tartami Doona Abaal Marinta Goolka Sanadka 2015-ka Ugu Fiican Ee FIFA Puskas Award, Lionel Messi Iyo Carlos Tevez Oo Liiskan Hogaaminaya

Messi-And-Tevez-620x430

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa soo saartay liiska tobanka ciyaartoy ee ku tartami doona abaal marinta goolka Sanadka 2015-ka ugu Fiican ee FIFA Puskas Award, waxaana liiskan hogaaminaya xidigaha ree Argentina ee Lionel Messi iyo Carlos Tevez. Continue reading “DAAWO:FIFA Oo Soo Saartay Liiska Tobanka Ciyaartoy Ee Ku Tartami Doona Abaal Marinta Goolka Sanadka 2015-ka Ugu Fiican Ee FIFA Puskas Award, Lionel Messi Iyo Carlos Tevez Oo Liiskan Hogaaminaya”

XARAGO: Iska Ilaw Goodhkii Waynee Ee Uu Arsene Wenger Caanka Ku Ahaa, Tababare Wenger Oo Lagu Arkay Qaab Aanad Waligaa Ku Arkin!!

Wenger-620x287

Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa inta badan caan ku ah in uu xidho koodhka wayn kaas oo uu muddo dheer soo isticmaaliyay, laakiin tababare Arsene Wenger ayaa la soo baxay xargo cusub isla markaana iskaga soo tagay astaantii uu caanka ku ahaa. Continue reading “XARAGO: Iska Ilaw Goodhkii Waynee Ee Uu Arsene Wenger Caanka Ku Ahaa, Tababare Wenger Oo Lagu Arkay Qaab Aanad Waligaa Ku Arkin!!”

Kooxdii Ay Saamiga 50% Lahaayeen Halyeeyadii Man United Giggs, Scholes, Putt, Gary & Phil Neville Oo Guul Taariikhi Ah Gaartay Xalay

Salford

Salford City ayaa guul tariikhdi ah gaartay xalay kadib markii ay 2-0 ku dhufteen dhigooda Notts County kulan ka tirsan koobka FA Cupka.

Gary Neville, Nicky Putt iyo Paul Scholes ayaa nasiib u helay iney daawadaan kooxda ay saamiga ku leeyahiin oo guul gaareysa.

Salford City waxey qeybta labaad ee ciyaarta u aheyd mid wanaagsan madama ay heshay labada gool goolka hore waxaa dhaliyay xidigii hore Sheffield United Danny Webber waxyar kadib markii nasiinada laga soo laabtay.

Richie Allen oo badal kusoo galay ciyaarta ayaa si qurux badan hogaanka ugu dheereyay kooxdiisa kadib markii uu si fiican goolhayahii hore Manchester United Roy Carroll u daba mariyay goolka.

DAAWO SAWIRADA:

Salford n6Salford n5Salford n4Salford n3Salford n2Salford n1Salford n

Faaqidaada ciyaarta Premier League ee Manchester United iyo West Bromwich Albion

Manchester Utd v West Brom

Chris Smalling ayaa ugu baaqay xiddigaha Kooxdiisa in ay soo afjaraan jahwareerka ka heysta kulumada horyaalka Ingiriis-ka.

Kulanka: Manchester United Vs  West Bromwich Albion

Garoonka: Old Trafford, Manchester

Garsooraha: M. Dean

Saacada:6:00 maqribnimo

Maalinta:Sabti

Taariikhda :November 7, 2015

Man United ayaa weyneysa kulankan Antonio Valencia ,James Wilson iyo Paddy McNair .

Xaqiiqooyinka ciyaarta.

Wayne Rooney ayaa dhaliyay 7 gool, waxaana uu caawiyay wax ka badan afar gool 7-dii kulan ugu dambeysay Premier league uu ka horyimid West Bromwich Albion oo uu safka hore ku soo bilowdo.

West Brom  ayaa laga badiyay hal jeer uun shantii kulan ugu dambeeyay Premier league ay ka horti maaday  United, labo waa ay badiyeen labo kalana bar baro.

Manchester United ayaa laga badiyay hal jeer 13-kii kulan ugu dambeeyay Premier league ay ku ciyaartay Old Trafford,9 waa ay badisay seddexna bar baro.

Man United ayaa ah xagaagan kooxda shabaqeeda ugu ilaaliska  badan Premier league, iyadoo aan wax gool ah  laga dhalin 7 kulan.

Seddexdii  kulan ugu dambeysay EPL-ka wax gool ah kama aysan dhalin, horay sidan oo kale waxaa ay ugu dhacday seddex jeer oo kale waana November 1992, April 2005 iyo August 2007.

Christian Benteke goolkiisii is laabka ahaa ayaa ah goolka kaliya ee xagaagan United garoonkeeda looga dhaliyay horyaalka.

Man United wax guuldaro ah kama aysan soo gaarin xagaagan garoonkeeda horyaalka,3 waa ay badisay labana bar baro.

Falanqeynta ciyaarta horyaalka Talyaaniga ee AC Milan iyo Atalanta

bbbhhhj

Mattia De Sciglio ayaa eegaya caawa guushii afaraad oo xiriir ah horyaalka Serie A in ay ka gaaraan Atalanta.

Kulanka: AC Milan Vs  Atalanta

Garoonka: Stadio Giuseppe Meazza, Milano

Garsooraha: Piero Giacomelli

Saacada:10:45 habeenimo

Maalinta:Sabti

Taariikhda :November 7, 2015

Xaqiiqooyinka ciyaarta

Kooxahan AC Milan iyo Atalanta ayaa wadaagay kaliya hal bar baro  18-kii kulan ugu dambeysay Serie A, waana kulan dhacay 2009-kii xilliigaas oo ay ku kala tageen  1-1 waxa uuna ka dhacay garoonka Bergamo.

Atalanta ayaa badisay labo kamid ah seddexdii kulan ugu dambeysay Milan ay kula soo ciyaartay garoonkeeda,waxaana labada mar  ay ugu badineysay  min 1-0.

Markii ugu dambeysay  Atalanta  oo ay AC Milan horyaalka Serie A garoonkeeda si xiriir ah ugu garaacdo  waxaa uu ahaa sanadkii 1943-dii.

Rossoneri ayaa badisay seddexdii kulan ugu dambeeyay Serie A,markii ugu dambeysay oo Milan sidan oo kale ay sameyso waxaa uu ahaa sanadkii 2014 markaas oo afar kulan xiriir ah ay badisay.

AC Milan ayaa badisay lix kamid ah 7-dii kulan ugu dambeysay ay  garoonkeeda ku ciyaartay xagaagan, kaliya Napoli  ayaa kaga adkaatay.

Bonaventura ayaa sameeyay xagaagan shan caawin, waa xili ciyaareedkiisii ugu caawinta badnaa Serie A.

German Denis ayaa horay AC Milan ugu dhaliyay shan gool oo horyaalka ah oo labo kamid ah uu ka dhaliyay seddexdii kulan ugu dambeeyay uu ka horyimid.

Ra’iisal Wasaare Sharma’arke oo booqday xeryaha qaxootiga Dhadhaab(Sawiro)

boqsho-dhadhab-2

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdrashid Cali Sharma’arke ayaa maanta booqday xeryaha qaxootiga dalka Kenya kadib markii uu shalay gaaray magaalada Nairobi.

Cumar Cali Sharma’arke ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu booqday qeybaha kala duwan ee qaxootiga ay degen yihiin iyo halka laga soo dhoofiyo dadka qaxootiga ah. Ammaanka xeryaha qaxootiga ah ayaa la adkeeyay iyadoo hore wasiirka amniga ee dowlada Kenya uu booqday xeryahaas.

Wafdiga R/wasaaraha waxaa ka mid ah Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed islaam(Axmed madoobe) Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya,  Wasiirka qorsheynta iyo iskaashika caalamiga xukumada Soomaaliya,  wasiirka Ganashandhiga, wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Danjiraha dowlada federalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Qunsulka safarada Soomaaliya ee dalka Kenya Madaxa gudiga arimaha qaxootiga iyo barakacaayasha Soomaaliya Axmed daahir.

R/wasaaraha iyo weftigiisa ayaa u kuur galay xaaladda nololeed ee qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab, iyagoo tagay goobo dhowr ah sida xarunta dadka Soomaaliya ku laabanaya iska diiwangeliyaan, iskuulka sare xerada Ifo, Isbitaalka weyn ee xerada Ifo,

Wafdiga ra’iisal wasaaraha ayaa la kulmay madaxda xeryaha qaxootiga Soomaalida ah isagoo ka dhagaysatay dhibaatooyinka ka jira xeryaha iyo baahidooda. Waxana uu ra’iisal wasaaraha u sheegay dadka uu la kulmay in dalka haatan uu yahay nabad isla markaana ay imana karaan noloshoodana dib u bilaabi karaan.

Ra’iisal wasaare Sharma’arke ayaa la kulmay qaar kamid ah dadka diyaarka u ah inay dalkooda dib ugu soo laabtaan waxaana qaxootigaas ay sheegeen inay diyaar yihiin ayna doonayaan inay dib ugu laabtaan gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo magaalada Kismaayo.

Kumanaan Soomaali ah ayaa weli ku sugan xeryaha qaxootiga ah ee ku yaal dalka Kenya iyagoo ka cararay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya,Kenya iyo hay’ada u qaabilsan qaxootiga ayaa ku heshiiyay in dib loogu celiyo qaxootiga Soomaalida ah balse aan la qasbin cidii doonaysa inay iska sii joogto dalka Kenya.

boqsho dhadhab (2)

boqsho dhadhab (3)

boqsho dhadhab (4)

boqsho dhadhab (1)

boqsho dhadhab (5)

boqsho dhadhab (6)

In Aanu Rafcaan Ka Qaadan Doonin Ganaaxii FA-gu Garoonka Kaga Kaga Mamnuucday,Qaabka Uu Kulanka Stoke Kula Socon Doono,Xaalada Dhaawacyada Kooxdiisa, In Ay Ka Soo Aarsan Doonaan Stoke Iyo Waxyaabo Uu Mourinho Ka Hadlay

JM-Chelsea

Tababaraha kooxda Chelsea ee Jose Mourinho oo ay xidhiidhka kubbada cagta Ingiriiska ee FA-gu ay kulanka Stoke City ka ganaaxeen garoonka ayaa qabtay shirkiisa jaraa’id ee kulankan ka horeeya wuxuuna Mourinho cadeeyay Continue reading “In Aanu Rafcaan Ka Qaadan Doonin Ganaaxii FA-gu Garoonka Kaga Kaga Mamnuucday,Qaabka Uu Kulanka Stoke Kula Socon Doono,Xaalada Dhaawacyada Kooxdiisa, In Ay Ka Soo Aarsan Doonaan Stoke Iyo Waxyaabo Uu Mourinho Ka Hadlay”

SAWIRRO: Gaas oo markii ugu horeysay qabtay howshii ugu fiicneyd abid ee lagu xasuusan doono

414

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa waxa ay talaabadiisii ugu horeysay noqotay garabsiinta wiil aad u yar oo ay naafeesay miino ay Maleeshiyada Al-shabaab ku aaseen deegaanka Yalho oo kaabiga ku heysa buuraaleyda galgala. Continue reading “SAWIRRO: Gaas oo markii ugu horeysay qabtay howshii ugu fiicneyd abid ee lagu xasuusan doono”